Maxaan u seexanaa??
Marka la fiirinayo caafimaadka waxaa la sheegaa inay jiraan sadex geesood u muhiim ah caafimaadka qofka
waxayna daraasadani cadaynaysaa in 33% hurdadu u dhiganto nidaamka caafimaadka.
hurdadu si guud waa hab nasiimeed u muhiim ah nolosha noolaha. waana hab u muhiim ah sida neefsashada, garaaca wadnaha, rabitaanka cuntada iyo sidoo kale xasuusta.
waa xaalad miir daboolan ah oo dheer kana hor istaagta qofka inuu wax ku garto garaadkiisa soo jeeda.
muhiimada ay hurdadu leedahayna waxaa in badan uu ALLE kaga waramay quraanka kariimka ah ayyada 9 suratul camma wuu ALLE ku leeyahay “ miyaanan hurdada nasiimo idiinka dhingin” taasi oo cadayn u ah in ILAAHAY uu kawnkaan hurdada ugu abuuray nasiimo iyo raaxo.
Marxaladaha hurdada
hurdada aan seexano ayaa waxay leedahay marxaralado kala hor horeeya soona laab-laabta tani oo isku dheeli tirta dhamaystiranka hurdada.
sida shaxankaan ka muuqata 4 taan marxaladood ayey martaa hurdadeenu marka laga yimaado xaalada soo jeedka.
xaalada soo jeedka kadib waxaan galnaa marxald loo yaqaan LIGHT SLEEP ama hurdo fudud marxaldaan oo hoos u dhac uu ku yimaado garaaca wadneheena, dabac dhanka murqaha ah iyo firfircoonida maskaxda oo yaraanaysa balse wali waxaan nahay qaar soo jeeda dareemohooguna joogaan.
marxaladaan mid ku xigta ayaa ah mida 4 halka ta sadexaad aan u soo laaban doono. marxaladaan ayaa waxaa kagu magacaabaa DEEP SLEEP ama hurdada qotonka dheer leh marxaladaan marka aan ku gudo jirno neefsashadaa, garaaca wadnahaga iyo heeklka jidhkaaga ayaa intuba waxa ay gaadhaan heerkooga ugu hooseeya.
kadib sida jaantuska ama shaxanka ka muuqata waxaan dib ugu laabanaa marxalda sadexaad oo loo yaqaan REM oo u taagan rapid eye movement ama marxalda riyada, marxaldaan ayaa hadii aad aragto qof ku sugan waa marka ay indhihiisu samaynayaan dhaqdhaqaaq walow wali aan sabab rasmi ah wali loo helin waxa ka danbeeya dhaqdhaqaaqa.
hurdadeenuna marxaldaha ayey martaa shan jeer oo inta badan ku dhecda 7 ilaa 8 saac gudohood.
hadii aad marmar dareento caajis iyo rabitaan hurdo kadib kicitaankaaga waxaad ogaata inaad kacday adigoo ku jiray deep sleep walina aan u gudbin marxalda REM ee riyada.
faaidooyinka hurdada
Intaan ku gudo jirno hurdo qotto dheer leh hawlo badan bay maskaxdeenu qabataa oo ay ugu horayso isku darida xusuusaha mida fog iyo mida dhawba.
waxay kaa kaalmaynaysaa soo kabsasho jidheed.
waxay faaido u tahay heerarka sonkorta dhiiga iyo dheefshiidka ooy ka saarto kiimikooyinka.
marxalda REM ee riyada marka aad galayso waa marxalda aad isku xidhayso afkaarta kala duwan si ay kaaga soo dhex baxdo fikir cusub oo kor u qaada wax qabadkaaga.
waxay faaido u tahay daganaanshaha dareenkaaga oo hurdo yaridu waxay keentaa khalkhal iyo xanaaq fudud.
Hurdo La’aanta.
xasuus yari
xaaladaada ama laxawgaaga ama mood kaaga oo is bedbedala.
difaaca jidhkaaga oo daciifa.
diiradaada ama focus aad hawlaha saartid oo gabaabsi ku yimaad.
miisankaaga oo kordha.
waxay hoos u dhigtaa raganimada ( waxay yareysaa hormoon ka testestroon ka) raganimada kaliya maaha sidoo kale waxay khalkhal gelisaa hormoonaadka dumarka.
iyo waxyeelooyin kale oo aad u badan balse aynaan halkaan kusoo koobi karin.
hadaba waxkhtiga ugu haboon ee la seexdo waa goorma?
xadiith kuu abii barxah uu NABIGA (SCW) ka wariyey ayaa ahaa nabigu wuu karaahaysan jiray in cishe ka hor la seexdo cishe kadibna la hadlo. bukhaari(568) muslim(647) tanni oo aan ka qaadanayno seexashada bacdal cishe inay tahay xiliga ugu fiican ee la seexdo.
Nales d. baadhis ay samaysey ayaa waxay ku sheegtay in seexashada xili horeiyo kicida xili hore ay ka dhigto qofka mid caafimaad qaba.
Dr. matthew PhD. qoraaga buuga why we sleep ayaa buugiisa ku sheegay in seexasha hal saac ka hor saqda dhexe waa 12 habeenimee ay u dhiganto seexashada 2 saac oo saqda dhexe dabadeed ah.
70% qotton dheeraanta hurdada waxaan helnaa xiliga hore ee habeenka..
hadaba mudo intee leeg baad u baahantahay inaad hurudo.
tanni waa mid kolba da’da qofka ku kala duwan tusaale ahaan.
ilmaha 3 bilood jira wuxuu u baahanyahay 17 saac oo hurdo ah.
4 ilaa 11 biloodna wuxuu u baahanyahay 112 ilaa 15 saac.
3 ilaa 5 sano wuxuu u baahanyahay 10 ilaa 13 saac.
6 ilaa 13 wuxuu u baahanyahay 9 ilaa 11 saac.
14 ilaa 18 wuxuu u baahanyahay 8 ilaa 10 saac.
19 ilaa wixii ka danbeeyana waxa ay u baahanyihiin 7 ilaa 9 saac oo hurdo ah.
hadaba aduu imisaad jirtaa imisa saac baanad seexataa
Talaabooyin.
dhawrkaan talaabo ayaan fikir ahaantayda isleeyahay way kuu sahlayaan hurdo caafimaad qabta si aad u dhamysato mudada aad u baahantahay iyo sidoo kale 5 ta wareeg ee hurdadaba.
wax kasta waxaa inooga sugnaaday ku dayasho nabigeena suuban ( scw ) kuna dedaal sida uu u seexda yidhi inaad u seexatid.
seexo qol leh heerkul dhex-dhexaada.
daganaanshiyo iyo iska yaraynta buuqa ayaa iyana kaa caawin inaad hesho hurdo qoto dheer.
iftiinka qolkaaga inuu ahaado mid daciif ah amabase sida wanaagsan mid mugdi ah.
cuntooyinka aadka u culus iska ilaali ilaa 2 saac ka hor xiliga hurdada.
cabitaanada ay ku jirto caffeine tu iska ilaali iyo sigaarka oo ay ku jirto maadada nikotine ta amaba se si guud wax kasta oo maankaga rogaya ama doorinaya.
iska ilaali xiliga hurdada blue light ka amaba se iftinka waxyaalaha digitalka ah. hadii aad awoodi waydana isticmaal blue light classes si ay kaaga dicaafan shucaaca iyo radiation ka ay soo daynayaan wayaalahasi.
ugu danbayn maaha kuwa la dafiri karo faaidooyinka hurdada iyo hurdo la’aanta waxyaalaha ka dhasha. hadaba suaashan is waydii maxay tahay sababta ay u diidaan dadku inay seexdaan xili hore una rabaan inay ku dhafraan wax yaalo aan faadio wayn u lahayn halka qaar ay ku faanayaanba inay mararka qaar iskaba soo jeedaan habeenkoo dhan? nala wadaag aragtdidaada.